NISA oo Muqdisho ku xirtay nin abwaan ah oo taageero u muujiyay kooxaha argagaxisada

Oct 18 (Jowhar.com)-Warar aan helayno ayaa sheegaya in ciidanka Nabadsugida Gobolka Banaadir ee loo yaqaano (NISA) ay caawa gacanta ku dhigeen Abwaan Maxamuud Maxamed Ibraahim oo loo yaqaan Abwaan Jeesto, kaas oo Baraha Bulshada ku faafiyay qoraallo uu ku taageerayo Argagixisada iyo fikirka xagjirnimada, kuna dhaleeceynayo dowladnimada Soomaaliyeed.

Maxamuud oo ka soo jeeda magaalada Burco ayaa ka mid ahaa dhallinyarada magaalada Muqdisho ku joogtay summadda suugaanta, waxaana uu noqonayaa qofkii labaad ee dhallinyaradaas ah lala xiriiriyi fikirka xagjirka argagaxisada.

Dhawaan ayay ahayd markii Nageeye Cali Khaliif oo suugaanyahan iyo Macallin jaamacadeed ku joogay Muqdisho la shaaciyay inuu aaday AS oo uu go’aansaday inuu ku biiro, kaddib markii uu ku qancay aragtidooda sida uu ku daabacay buugg uu qoray.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More