NISA oo qabatay sarkaal Shabaab ah isagoo ka dhoofaya garoonka Baydhabo

Sep 11 (Jowhar.com)-Ciidamada Nabad Sugida maamulka Koofur Galbeed ayaa gacanta ku dhigay sarkaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo damacsanaa inuu si dhuumaaleysi ah uga dhoofo garoonka diyaaradaha Shaati Guduud ee magaalada Badhabo.

Ninka la qabtay oo lagu magacaabo Cumar Maxamed Ismaacii, magaciisa afgarashadana uu yahay (Nuur) oo 40 sano jir ah ayaa ayaa sheegay inuu ku noolaa magaalada Gaalkacyo kadibna uu usoo gudbay magaalada Muqdisho.

Isagoo ka sheekenayay qaabka loosoo qabtay ayuu tilmaamay in ciidamada NISA ay ka qabteen gudaha garoonka, isagoo soo jartay tikidkii diyaarada.

“Waxaa markii dambe naloo soo qaaday magaalada la yiraahdo Iidaale halkaas ayaan aniga uag soo kacay markan halkaan imid diyaarad tikidkeedii baa la’iisoo diray aniga oo rabab inaan garoonka ka baxo ayaa waxaa i qabtay ciidamada Koonfur Galbeed” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay inuu tababar soo siiyay Mahad Karataay oo katirsan hoggaanka sare ee kooxda Al-Shabaab, shaqadiisana ay eheyd inuu ahaa macalin qaab Online ah qurba joogta ku bara qur’aanka kariimka.

“Marka uu tababarka noo dhammaaday waxaa naloo qaybiyay tuute, meesha waxaan ku galnay dhoolatus, tababarkaas waxaa loogu magac daray Xasan Barsane, waxaana noo soo xiray Mahad Karataay” ayuu mar kale wareysiga laga qaaday ku yiri Cumar Maxamed.

Dowladda Soomaaliya ayuu cafis ka dlabaday, isagoo tilmaamay inuusan jirin cid uu dhibaato u geystay, sida uu yiri

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More