Aug 12 (Jowhar)-Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa sheegtay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka, ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Tawakal ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo lagu dilay toddobo xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.
War-saxaafadeed kasoo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu bartilmaameedsaday xarun ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd deegaanka Tawakal, kaddib markii hay’addu heshay xog sirdoon oo muujisay in goobta ay ku sugnaayeen xubno sare oo ka tirsan kooxda.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, bartilmaameedka howlgalka ayaa ahaa goob gudaha xarunta ah oo ay horjoogeyaasha kooxda si gaar ah ugu kulmi jireen, waxaana la beegsaday xilli ay halkaas ku sugnaayeen.
NISA ayaa magacyada qaar ka mid ah horjoogeyaasha ay sheegtay inay goobta ku sugnaayeen ku kala sheegtay:
Yoonis Macalim Abuukar, oo qaabilsanaa deegaanka Mushaani;
Abuu Xaaji Fareey, oo ahaa horjoogaha maleeshiyaadka ee deegaanka Tawakal;
Ayaatullaahi, oo ahaa horjoogaha Jabhadda Gobolka Shabeellaha Hoose;
Cabdifitaax Rooble, oo ahaa horjoogihii Baadda ee deegaanka Baladul-Amiin.
Hay’addu waxay sheegtay in xogta hordhaca ah ay muujinayso in Yoonis Macalim Abuukar iyo Cabdifitaax Rooble ay dhaawacyo culus ka soo gaareen howlgalka.
Halkan hoose ka aqriso war saxaafadeeka NISA





