NISA oo sheegtay iney dishay ninkii Shabaab lacagaha uga aruurin jiray Muqdisho

Jun. 02 (Jowhar.com)-Ciidanka Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa sheegay iney toogteen Horjoogihii Shabaab u qaabilsanaa lacag uruurinta ganacsatada magaalada Muqdisho.

Sida NISA ay ku sheegtay qoraal ay ku baahisay warbaahinta dowladda, Ninkaas ayaa lagu toogtay duleedka degmada Afgooye ee Gobalka Shabeellaha Hoose.

Horjoogahaan oo lagu magacaabi jiray Cali Raaxo ayaa Shabaab wakiil uga ahaa inuu si dhuumaaleysi ah ganacsatada iyo shacabka Muqdisho lacago uga qaado, isagoo telfoon ugu soo hanjabaya dadka magaalada.

Meelaha uu dadka ugu yeeri jiray sida dhuumaalysiga ah waxaa ka mid ah deegaannada Garas-gawaan, Gandarshe, Ceelasha Biyaha Lafoole ilaa Galka Saalimow.

Cali Raaxo wuxuu Shabaab ka mid noqday sanadkii 2014-kii, wuxuuna ilaa markaas uu u qaabilsanaa baada hantida muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo basaasida dadka macnaha u leh bulshada, si ay u bartilmaameedsadaan koocxdaasi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More