NISA oo xabsiga dhigtay wariye Xuseen Cabdulle

April 17 (Jowhar.com)-Wararka ka imanya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta xabsiga la dhigay wariye Xuseen Cabdulle Maxamed oo kamid ah wariyayaasha ugu caansan Soomaaliya.

Sida xogaha hordhaca ah ay sheegayaan, wariyaha waxaa u yeeray taliyaha cusub ee NISA C/llaahi Sanbaloolshe oo ay wadahadal kooban yeesheen taasoo keentay xariga wariyaha.

Lama cadeyn wali sababta rasmiga ah ee ka danbegsa xarriga wariha, balse shalay ayuu suxufigan tagay ceel ku yaala duleedka Muqdisho oo la yiraahdo ceelka jaceylka kaasoo ah goobta lagu dilay ganacsade Kaabax oo dhawaan kiiskiisa dil loogu xukumay taliye ciidan iyo askarigiisa.

Warbixinta wariye Xuseen Cabdulle waxaa ku jirtay in ceelkaas uu yahay goob lagu shirqoolo dadka la dilayo oo lagu rido, dadka la tuhunsan yahay in lagu ridana ay kamid tahay Ikraan Tahliil.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More