Odayaasha dhaqanka Puntland oo go’aano ka soo saaray khilaafkii u dhexaysay Siciid Deni iyo Ciidamada PSF

Odoyaasha dhaqanka gobolka Bari, ayaa soo saaray go’aamo lagu xalinayo xiisadii ka taagneed Boosaaso, iyagoo go’aamiyay in ay dhaqan-gasho digreetadii Madaxweyne Deni uu xilka uga qaadey agaasimaha PSF, Generaal Maxamuud Cismaan Diyaano 24-kii bishii lasoo dhaafay.

Waxgaradka ayaa go’aamiyay in maamulka Puntland laga doonayo in ay bixiyo mushahaarka 13 bilood, oo ka maqan Ciidanka PSF, taasoo kamid ah shuruudaha agaasimhii hore uu xilka ugu wareejinayo midka cusub ee loo soo magacaabey hay’adda Maxamed Amiin.
Odayaasha dhaqanka maamulka Puntland oo maalmihii lasoo dhaafay ku howlanaa xalinta xiisadii ka dhalatay Agaasimihii PSF iyo madaxweynaha Puntland ayaa soo saaray qodobadan hoos ku qoran;

1 -Waxaa dhaqan gashay xilka qaadistii Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ee uu xilka kaga qaaday Agaasimihii PSF Maxamuud Cismaan Cabdulaahi Dyaano looguna Magacaabay Aamiin Cabdilaahi Xaaji Kheyr

2-Guryaha Hubka iyo Gaadiidka waxaa Mulkiyadiisa iska leh Maxamuud Cismaan Cabdulaahi Diyaano

3-Xuquuqdii ka maqnayd ciidanka PSF mudo 13 bilood ah waa in ay bixsaa dowladu.

4-Waa in ay dowladu bixiso kharashka Ilaalada gaarka ah ee Agaasimihii hore ee Ciidamada PSF Maxamuud Cismaan Cabdilahai Diyaano madaama uu dalka u soo halgamay

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More