Odowaa iyo Biixi oo maanta xilalkii ku wareejiyay taliyayaasha cusub
June. 24 (Jowhar.com)-Wasiirka Gaashandhigga xukuumada Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xilalka u kala wareejiyey taliyaha cusub ee ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxiyadiin iyo Taliyihii hore Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage.
Sidoo kale taliyihii hore ee ciidanka dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa xilka ku wareejiyey taliyaha cusub Jeneraal Axmed Aadan Cali.
Jeneraal Odowaa iyo jeneraal Biixi oo todobaadkii hore ay xilalkii ka qaadeen golaha wasiirada kadib soo jeedinta wasiirka gaashaandhigga dalka ayaa madasha ka sheegay iney la shaqeyn doonaan taliyayaasha cusub.
Taliyaha cusub ee ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxiyadiin ayaa dhankiisa amaanay labada taliye, isagoo sheegay iney soo gaarsiiyeen ciidanka meel wanaagsan oo ay sii dar dar galin doonaan shaqada qaranka.