Ololaha Doorashada oo ka bilowday caasimada dalka ee Muqdisho

Iyadoo dhowaan la filayo in la aado doorashada labada aqal ee Baarlamaanka ayaa waxaa durba bilowday ololaha iyo halganka loogu jiro kuraasta oo noqon doona kuwa ugu loolanka adag.

Doorashada sanadkan waxay uga duwanaan doontaa kuwii hore in Siyaasiyiinta ay ku jiraan xisbiyo ayna leeyihiin isbaheysi xulufo, kuraasta Baarlamaanka ayaa olole loo geli doonaa halkii nin walba uu kursi kaliya u ololeyn lahaa.

Xisbiga UPD oo lagu tilmaamo xisbiyada siyaasadda kuwo ugu miisaanka culus, kana dhex muuqdaan kaadiriin siyaasadeed oo ay ku jiraan rag xilal soo qabtay ayaa maanta shir wadatashi uga furmay Muqdisho, shirka wadatashiga ayaa waxaa ka dhex muuqday Xildhibaano, Senetaro iyo siyaasiyiin kale, waxaa sidoo kale shirkaas hoggaaminayay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ahna Guddoomiyaha UPD.

Xubnaha kuraasta ku fadhiya ee ku jira Xisbigaas ayaa waxay loolan kala kulamyaan xubno kale oo ku jira dowladda iyo kuwa kale, xiisadaha ugu weyn ee tartanka kuraasta waxaa uu ka dhex jiraa kuwa ay ku fadhiyaan Kaadiriinta siyaasadda ee UPD oo sanadkan dadaal ugu jir inay soo laabtaan.

Maalmaha soo socota Xisbiyada kale iyo xulafooyinka siyaasadda ayaa iyana kulamo wadatashi oo ay ugu ololeynayaan kuraasta Baarlmaanka ku yeelanaya Muqdisho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More