Poland oo diiday hubkii loosii marin jiray dalka Ukraine

Sep 22 (Jowhar.com)-Maraykanka ayaa sheegay in Poland ay weli sii ahaan doonto saaxiibka dhow ee Ukraine, ka dib markii dalka Poland uu ku dhawaaqay inaanay jiri doonin hub iyo rasaas dheeraad ah oo loo diro Kyiv, xilli ay sare u kacday xiisadda u dhexeysa labada dal ee salka ku haysa dhinaca dhoofka wax soo saarka beeraha.

La taliyaha amniga qaranka ee Aqalka Cad ee Maraykanka Jake Sullivan ayaa isagu hoos u dhigay xiisadda u dhexeysa labada dal.

“Markii aan subaxnimadii hore akhriyey qodobada wararka ugu waaweyn, runtii waan werweray, waxaana i horyimi su’aalo kala geddisan. Hase ahaatee waxaan markiiba arkay afhayeenka xukuumadda Poland oo arrintan faahfaahiyey, isla markaana caddeeyey mowqifka Warsaw, oo ah inay sii wadayaan, isla markaana ay weli garab taagan yihiin Ukraine” ayuu sheegay Sullivan.

Ra’iisal wasaaraha Poland Mateusz Morawiecki oo arbacadii la weydiiyey taageerada dalkiisa ee Kyiv ayaa sheegay inaan wax hub ah oo cusub loo diri doonin Ukraine.

“Wax hub ah oo cusub u diri mayno Ukraine, sababtoo ah, haatan annaga ayaa isku hubaynayna hubka ugu casrisan” ayuu u sheegay Polsat News.

Warsaw ayaa markii dambe faahfaahisay arrintan iyaga oo sheegay inay sii wadayaan gudbinta hubka iyo rasaasta, qaybta ka ahaa heshiisyadii hore loo gaadhay.

Murankan u dhexeeya labada dhinac ayaa soo bilaabmay ka dib markii dalalka Poland, Hungary iyo Slovakia ay qaateen go’aano iskood ah oo mamnuucis ugu soo rogayaan in la soo dhoofsado cuntooyinka ka soo go’a beeraha Ukraine, ka dib markii uu dhamaaday xannibaadii Midawga Yurub.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More