Proff Jawaari;” Baadil iyo Baadil tartamaya Dalkaan Dan uma ahan”

Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ka hadlay xaalada siyaasada dalka marayo ayaa ku tilmaamay inay tahay mid baalmarsan sharciga iyo dastuurka isla markaana Madaxtooyada iyo Madaxda Maamul goboleedyada mid walba uu raadinayo xildhibaano taabacsan inay soo saartaan.

Proff Jawaari oo ka hadlayay mid ka mid ah taleefishinada magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay madaxda dalka inay tanaasul sameeyaan hanashada xilkana uu yahay mulki Alle uu bixiyo.

“Baadil iyo Baadil tartamaya dalkaan dan uma ahan,Madaxtooyada iyo Xukuumadda iyo madaxweynayaasha dowlad oboleedyada waa isku mid, mid walba baadil bay raadineysaa hala xishoodo waxaan dowladnimo maahan”ayuu yiri Proff Jawaari.

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo muddo dheer siyaasada dalka ku soo jirey ayaa ku taliyay in tanaasul la sameeyo xukunkana uu yahay mid Alle uu bixiyo,waxana uu uga digey madaxda dalka inuu dhiig daato.

Proff Jawaari ayaa waxa uu ka hadlay arrimaha la isku haysto ee hareeyay shirka golaha wadatashiga qaran ee Muqdisho ka socda isagoo tilmaamay in dastuurka ay ku cadahay cidda hogaaminaysa amniga dalka iyo cidda magacaabaysa saraakiisha sarsare ee dalka.

“Qodobka 99aad faqradiisa F dastuurka waxa uu sheegayaa “Xilka golaha wasiirada, waxaa ka mid ah dhaqangelinta shuruucda sugida nabadgeliyada dalka iyo ilaalinta danaha dowlada waxaa u xilsaaran golaha wasiirada sidoo kale farqada G waxa uu qorayaa xil ka qaadista iyo magacaabista saraakiisha sare ee dowlada waxaa u xil saaran golaha wasiirada.” ayuu yiri Proff Jawaari. “Xukuumada waa inay waajibkeeda gudataa sida dastuurk uu qorayo.”ayuu sii raaciyay.

Sidoo kale Proff Jawaari ayaa ka hadlay awooda Madaxweynaha waxana uu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu yahay mid baarlamaani oo uusan lahayn awood badan isagoo tusaale u soo qaatay inuusan la mid ahayn Madaxweynaha Maraykanka oo kale.

Proff Maxamed Cismaan Jawaari ayaa ku tilmaamay xaalada dalka hadda uu ku jiro mid ugub ah oo aan dalka hore u soo marin.

Arrimaha ugubka ah ayaa waxaa uu ku sheegay inay yihiin in dalka uusan soo marin Madaxweyne muddo xilleedkiisu dhamaaday oo muddo sanad ku dhow xafiiska iska fadhiya,sidoo kale dalka inuusan soo marin baarlamaan aan la dooran muddo ka badan lix bilood kadib markii uu waqtigiisa dhamaaday.

“Gole wadatashi illaa 7ruux ku kooban ilaa sep 2019 ilaa maanta xal gaarin waa wax ugub ah,Hayadahii marjaca ahaa sida baarlamaan iyo maxkamad dastuuri ah oo kala saari lahaa haddii wax la isku qabto oo aan jirin,”ayuu hadalkiia sii raaciyay.

“Dastuurka waa laga baxay qof walba siduu rabo ayuu u sheegtaa shuruucdi waa laga baxay, dhaqanka wa laga baxay,waxay hadda mareysaa in warqado la is dhaafdhaafsado intaas haday gaarto dowladnino ma aha nadaam dowladeed ma aha”ayuu yiri Proff Jawaari.

Proff Jawaari ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofurgalbeed inuu si shaqsi ah uga dambeeyay inuusan u tartamin oo laga reebo kursiga uu ku lahaa baarlamaanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More