Jan 13(Jowhar)-Maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa si isku-mid ah u diidday go’aanka Xukuumadda Soomaaliya ee ah in la laalay heshiisyada horumarinta Dekadaha iyo iskaashiga amni ee Imaaraatka Carabta.
War-saxaafadeedyo kala waqti ah oo ay soo kala saareen waxay ku sheegeen in sida uu qabo Dastuurkooda iyo kan KMG ah ee Federaalka ay iyagu mas’uul ka yihiin heshiisyada horumarineed iyo amni ee ka jira deegaannadooda.
Puntland iyo Jubaland waxay ku eedeeyeen Madaxweynaha Dowladda Federaalka inuu wado tallaabooyin ay ku tilmaameen sharci-darro oo hurinaya khilaaf siyaasadeed iyo kala-qaybin, isla markaana carqaladeynaya qabsoomidda doorasho qaran oo heshiis lagu yahay.
Sidoo kale waxay ku celiyeen in go’aankii ay ku joojiyeen wada-shaqeyntii hay’adaha Federaalka uu weli taagan yahay, isla markaana warka ka soo baxay Dowladda Federaalka uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin heshiisyada Imaaraadka Carabta, iyo shirkadda horumarinaysa Dekaddaha.











