Puntland oo ‘Fudeyd siyaasadeed’ ku sifeysay hadalka hoggaamiyaha SSC Khaatumo

Oct 11 (Jowhar.com)- Wasiir ku-xigeenka Arrimaha-gudaha maamulka Puntland, Maxamed Musadaq ayaa u jawaabay Hogaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo C/qaadir Firdhiye oo iska diiday iney qeyb ka noqdaan doorashada soo socota ee Puntland.

Waxa uu walaac ka muujiyay in hoggaamiyaha SSC Khaatumo uu ku deg degay arrimo aan waqtigooda la gaarin, wuxuuna fudayd siyaasadeed ku tilmaamay hadalkii hoggaamiyaha SSC- Khaatumo uu sheegay oo ahaa in aysan reer SSC qeyb ka ahayn doorashada soo socota ee Puntland.

“Fudeed Siyasadeed, qofka siyaasiga ah waa in uu miisaamaa hadalkiisa uuna Ka digtoonaadaa inuu ku degdego waxyaalo aan wali waqtigeedii la gaarin.” Ayuu yiri wasiir Maxamed Musadaq.

Si kastaba, Hadalkii uu xalay uu sheegay hoggaamiyaha SSC- Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) ayaa noqday hadal saamayn yeeshay oo si gaar ah u taabanaya xaaladda siyaasadeed ee haatan ay ku jirto Puntland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More