Puntland oo gacanta ku dhigtay Ajaanib ka tirsan kooxda Daacish.

August 08 (Jowhar.com)-Ciidamadda PSF ee maamulka Puntland ayaa soo bandhigay 7 dagaalyahan oo Ajnabi ah, kuwaasoo ka tirsan kooxda Daacish ee ka dagaalanta qeybo kamid ah deegaanada maamulkaasi.

Xubnaha la soo bandhigay oo dhamaantood rag ah ayaa u dhashay Itoobiya, si gaar ah waxey uga soo jeedaan Qowmiyada Oromada, iyadoo xiliga la qabtay oo bishii June ee sanadan eheyd ay ku sii jeedeen dhinaca buuraha Galgala ee gobolka Bari oo saldhigyo waaweyn ay kooxdaasi ku leedahay.

Qaar kamid ah dagaal yahanadan oo la wareystay waxey sheegeen in lagu khiyaamay oo dadkii waday ay u geeyeen kooxda Daacish, waxayna sheegeen in kooxdaasi ka bedashay magacyadooda una bixisay magacyo cusub.

Waa tiradii ugu badneyd Ajaanib ka bar bar dagaalanta Daacish ee halmar gacanta lagu dhigo, waxeyna arrintan ku soo beegmeysaa iyadoo Hogaanka kooxda Daacish la sheegay inuu dhawaan la wareegay nin u dhashay qawmiyada Oromada, arrintaasi oo la rumeysan yahay inay sare u qaaday tirada Itoobiyaanka doonaya inay kooxdaasi ku biiraan

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More