Puntland oo gacanta ku dhigtay Shabaab qaraxyo ka fulin rabay maalinta ciida Gaalkacyo

Jully. 02 (Jowhar.com)-Puntland ayaa sheegtay iney gacanta ku dhigtay shabakad Al-Shabaab ah, kuwaasoo doonayay iney weerar Ismiidaamin ah ka fuliyaan waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Sheikh Cali jifo-jabsade oo boqolaal shacab ah fagaare kula hadlayay ayaa sheegay in shabakadan Shabaabka ay gacanta ku dhigeen qorshohooda ahaa sidii ay qaraxyo uga geysan lahaayeen goobaha lagu tukanayay salaada maalinta Ciida, balse falalkaasi ay fashiliyeen laamaha amaanka.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay howlgalo ay sameeyeen iney kusoo qabteen koox mudooyinkii lasoo dhaafay dilal ka geysaneysay magaalada Gaalkacyo, laamaha amaankana ay ku wareejiyeen hay’adaha garsoorka oo sharciga tilaabo adag uu ka qaadi doono.

Guddoomiye Faysal Sheikh Cali jifo-jabsade ma sheegin goorta iyo goobta ay kasoo qabteen xubnahan, wuxuu kaloo ka gaabsaday tirada xubnahan Shabaabka ah ee ay gacanta kusoo dhigeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More