Puntland oo laga mamnuucay diyaaradaha Droneska ee muuqaalada lagu duubo

Dowlad goboleedka Puntland ayaa mamnuucday in gudaha Puntland la soo geliyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo wax duuba (Drones).

Amar qoraal ah oo laga soo saaray Wasaaradda Amniga Puntland ayaa lagu mamnuucay diyaaradaha dhulka laga hayo ee loo yaqaan Drones.

Wasaaradda ayaa ku wargelisay hay’adaha dowladda ee ay khusayso in aan gudaha Puntland la soo gelin karin diyaaradahas noocaas ah.

Qoraalka ay soo saartay Wasaarada Amniga Puntland ayaa lagu amray inay feejignaan dheeri ah ka muujiyaan sugida amniga Puntland.

Diyaaradahan Drones ee muuqaalada duuba oo ay isticmaalaan saxafiyiinta iyo jilayaasha aflaamta ayaan la ogeyn sababka keentay inhaatan laga mamnuuco dowlad goboleedka Puntland.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More