Puntland oo Madaxweyne Xassan ku eedeysay dagaal beeleedyada ka jira Mudug

Oct 03 (Jowhar.com)-Wasiirka qorsheynta maamul goboleedka Puntland Maxamed Saciid Faroole ayaa sheegay in xiriir uu ka dhaxeeya madaxweyne Xassan Sheekh iyo Isku dhaca ka jira Mudug ee u dhaxeeya Galmudug iyo Puntland.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in wixii shalay ka dhacay degmada Goldogob oo ay sameeyeen waxa uu ku sheegay maleeshiyada Galmudug ay bilaw u tahay dagaal seddexaad.

Wasiirka oo hadalkan ku soo qoray bartiisa rasmiga ah ee X ee horay loo oran jiray Twiterka ayaa sidoo kale sheegay in dagaaladii Mudug ka dhacay sanadahii 2015kii- 2016-kii ay dhaceen xiligii hore ee uu madaxweyne Xassan Soomaaliya ka talinayay.

Dagaal beeledyo ayaa ka dhacay Goldogob.Dagaalkan ayaa u dhaxeeya labo maleyshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda degmada Galdogob iyo degaanka Bandiiradley oo ka kala tirsan Puntland iyo Galmudug.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More