Puntland oo qaaday talaabo kale oo ka careysiisay DFS

Apr 06 (Jowhar.com)-Wasiirka Duulista Hawada, Cabdillaahi Bile iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa gaadhey Addis Ababa, ka dib weftigii dhawaan ee is-afgaradka la galay.

Weftigan Duulista Hawada ee Puntland ayaa la kulmay Wasiir-dowlaha Gaadiidka Itoobiya, Mr Dhenge Boru, Mareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Hawada ee dalkaas, Mr Getachew Mengistie iyo Madaxa shirkadda Ethiopian Airlines, Mesfin tasew Bekele.

Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay xoojinta xidhiidhka Addis Ababa iyo Garoowe iyo kor u qaadista duulimaadyada diyaaradda Itoobiya ee Boosaaso iyo Garoowe, iyada oo la soo kordhinayo “Duulimaad xammuul ah.”

Tani waxa ay imanaysaa xilli ay Dowladda Federaalku hakisey xidhiidhkii ay la lahayd Itoobiya, iyada oo la filan karo in DFS ay dalka ka joojiso Diyaaradda Itoobiya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More