Puntland oo shaacisay Magacyada Musharaxiinta Doorashada lagu qabanayo Boosaaso

Mar 4 (Jowhar.com)-Guddiga doorashada Puntland ayaa shaaciyay magacyada musharaxiinta ku tartamaysa 16 kursi oo doorashadooda lagu qabanayo magaalada Boosaaso.
32 musharax oo la shaaciyay magacyadooda ayaa 12 ka mid ah waxa ay yihiin dumar oo u muuqda dhammaantood inay yihiin malxiis u tanaasulaya musharaxa kale.

Doorashada ka dhacaysa labada maalmood ee soo socota 5ta iyo 6da bishan Marso magaalada Boosaaso ayaa ku soo beegmeysa xilli laga heshiiyay khilaafkii sababay gacan ka hadalka ee ka dhacay magaalada Boosaaso.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay guddiga doorashada Puntland,

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More