Puntland oo shirkadaha caalamiga ah uga digtay in heshiis la galaan dowlada Soomaaliya

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa loogaga digey shirkadaha caalamiga ah in heshiis ay ku tilmaantay sharci darro la galaan dowlada Soomaaliya.

War Saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa looga hadlay shirka ka socda Imaaraadka Carabta kaasoo ku saabsan shidaalka dabiiciga ah ee Qaaradda Afrika kaas oo soconaya 8-da ilaa 11-ka November 2021.

“Dowlad Goboleedka Puntland iyada oo ka duuleysa Mowqifkeedii hore ee 9-ka Janaayo illaa 11-kii Febaraayo 2020 waxa ay caddeyneysaa in aysan qayb ka ahayn fulinta sharciga shidaalka ee la saxiixay 8-dii Febaraayo 2020 maadaama uusan waafaqsaneyn Dastuurka KMG ah ee Federaalka & hannaanka qaybsiga khayraadka Dalka oo aan weli lagu heshiis” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxday Madaxtooyada Puntland.

Maamulka Puntland ayaa ku xusay qoraalk in uu jiro muran ka taagan qaybsiga shidaalka Soomaaliya ee ku saleysan nidaamka Federaalka, sidaas darteedna Puntland uusan quseyn natiijo weliba oo kasoo baxda shirkaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More