Puntland oo xukun dil ah ku riday 14 ka tirsan Al-Shabaab

Apr. 09 (Jowhar.com)-Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Puntalnd ayaa xukun dil ah ku ridey 14 nin oo ka tirsan Al shabab, kuwaasoo siyaabooyin kala duwan loosoo qabtay.

Xubnahan waxaa loo heystaa dilal iyo qaraxyo ay ka geysyeen gobolada Mudug iyo Bari, iyadoo la filayo in dhawaan fagaare lagu toogto.

Maxkamadda ayaa dhinaca kale nin lagu magacaabo Xasan Dheere oo 52 jir ah kuna dhashay Gaalkacyo ku xukuntay 20 sanno oo xarig ah.

Halkan ka akhriso magacyada xubnaha dilka lagu xukumay:

1-Abuukar Cabdi Cisaaman (Goobe) ina khadiijo Barre macalin 52jir ah ku dhashay Muqdisho dil toogasho.

2-Salaad Cabdulahi Cabdi ina Xamiido Cumar 28jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.
3-Xasan Muuse Axmed (Niini) ina Aasiyo Shiikh Axmed 24jir ah ku dhashay Galkacyo dil toogasho.

4- Abdikhaaliq Warsame Barre (Madaxey) ina Sureer Cabdi 26jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

5- Farxaan Faysal Salaaad Xirsi ina Ubax Axmed Weheliye 19jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

6-Abdulaahi Faysal Xuseen ina Xaali Maxamed Xaashi 19jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

7-Barkhad Cawil Xirsi Nuur ina Sacdiyo Salaad 19jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.
8-Cade Abdulaahi Maxamed Cilmi ina Sacdiyo Maxamed 22jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

9-Abdiqani Saleebaan Jamac Faraax (Sayloor) ina Abshiro Yusuf Xirsi 23 jir ah ku dhashay Garoowe dil toogasho.
10-Xasan Jamac Maxamed Cali (Xasan) ina Ruqiyo Maxamed Xaashi 25 jir ah ku dhashay Muqdisho toogasho.

11- Maxamed Cali Axamed Muuse ina waris Nuur Xuseen 24jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

12-Libaan Aadan Muuse Cade ina Nimco Xasan Mahdi 20jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

13- Abdiqani Farxaan Abdulaahi ina Khadro Maxamed 18jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

14- Abdiraxmaan Cawil Axamed ina Samsam Saleebaan 18 jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More