Friday, February 13, 2026
Home NEWS Qaar kamid ah Culimada ugu waaweyn dalka oo baaq culus u diray...

Qaar kamid ah Culimada ugu waaweyn dalka oo baaq culus u diray madaxda sare ee dalka

21

Feb 13(Jowhar)-Culumada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ugu waaweyn uguna saameynta badan, ayaa baaq culus u diray siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee talada dalka haya, iyagoo ku boorriyey in la muujiyo hoggaan ku dhisan dulqaad, tanaasul iyo xal u helidda xaaladaha taagan.

Bayaanka culumada ayaa si gaar ahaa fariin ugu socotay Madaxweynaha Jamhuuriyadda, waxaana lagu yiri:

“Madaxweyne waa inaad qaadataa kaalin odaynimo oo leh dulqaad, tanaasul iyo keenid xal dalka iyo dadkaba badbaadin kara. Maantana waa maalin taariikhda kuu galeysa, aakhirona Allah ku weydiin doono. Haddii aad ku guuleysatana ajar weyn ayaad ka heli doontaa, marka fursaddaasi yeysan ku dhaafin.”

Culumadu waxay carrabka ku adkeeyeen in marxaladda uu dalku marayo ay u baahan tahay hoggaan masuuliyadi ku dheehan tahay, islamarkaana laga fogaado wax kasta oo keeni kara xasillooni darro ama kala fogaansho siyaasadeed.

Baaqan ayaa imanaya xilli ay jiraan dooddo iyo khilaafaad siyaasadeed oo saameyn ku leh jihada siyaasadda iyo mustaqbalka dowladnimada, iyadoo bulshada Soomaaliyeed si weyn isha ugu hayso jawaabta hoggaanka qaranka.

Ugu dambeyn, culumada ayaa ugu yeeray dhammaan madaxda iyo siyaasiyiinta in ay ka hormariyaan danta guud tan gaarka ah, isla markaana ay ka shaqeeyaan midnimo iyo wadajir