Qaaraxyo culus oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

Dec 06 (Jowhar.com)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha qaraxyo mataana ahaa oo caawa ka dhacay xaafada Black Sea degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa tilmaamaya in qaraxyada oo saddex ahaa lagu bur buriyay xarumihii shirkadda farayare ee ku taala Isgoska Black sea.

Muuqaalo iyo sawirran baraha bulshada lasoo dhigay ayaa muujinaya dab xooggan oo ka kacay dhismayaasha shirkadaasi, taasoo keentay in gabi ahaanba ay bas beelaan.

Goob joogayaal ayaa kusoo warramay in ilaa laba ruux ay qaraxyqdaasi ku dhaawacmeen, kuwaasoo kamid ahaa ilaalada shirkada.

Xaalada ayaa haatan ah mid kacsan, iyadoo ciidamo badan ay buux dhaafiyeen goobta, waxeyna sameynagaan howlgalo ay ku baadi goobayaan kooxihii falkaasi ka danbeeyay oo goobta ka baxsatay.

Shirkada Fara Yare ee la beegsaday ayaa kamid eheyd shirkado u hoggaansamay amarkii dowladda ee ahaa in goobaha ganacsi lagu xiro Camero CCTV.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More