Qaramada Midoobay; Ciidamad Ethiopia iyo Eritrea waa suurtogal inay galeen dambiyo dagaal

Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobey Michelle Bachelet ayaa ugu baaqday dowlad Ethiopia inay u oggolaato kormeerayaal ka socda Qaramada Midoobay inay galaan gobolka Tigray si ay u baaraan warbixinada ku saabsan dilalka sii socda iyo rabshadaha galmada oo laga yaabo inay noqdaan dambiyo dagaal.

Bayaan ay soo saartay maanta, ayay ku sheegtay in dhinacyo badan oo qeyb ka ah dagaalada Tigray,loo aqoonsaday inay suura gal tahay inay geystaan ​​fal dambiyeedka, oo ay ka mid yihiin Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya, Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray, ciidamada qalabka sida ee Eritrea, iyo ciidamada gobolka Amxaarada iyo maleeshiyada isbahaysiga ah.

Dowlada Ethiopia ayaa ciidamadeeda waxa ay weerar ku qaadeen gobolka Tigray dhamaadkii sanadkii hore iyadoo maamulka halkaa ka jirey ay diideen inay joojiyaan doorashado,waxaana ciidamada Abiy Ahmed ay markii dambe la wareegeen gobolka Tigray.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More