Qaramada Midoobay oo Malaayiin Dollar oo deg-deg ugu deeqday Itoobiya

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay ugu deeqday lacag kaalmo degdeg ah oo lagu caawinayo gargaarka bini’aadantinimo ee naf badbaadinta ah iyo ilaalinta dadka rayidka ah ee ku lugta leh iskahorimaadyada sii socda ee Itoobiya.

Madaxa gargaarka ee Qaramada Midoobay Martin Griffiths ayaa Isniintii sheegay in uu fasaxay lacag dhan 40 milyan oo doolar oo loogu talagalay in lagu kordhiyo hawlgallada degdegga ah ee gobolka Tigray iyo inta kale ee ay Itoobiya colaaduhu ka jiraan ee woqooyiga, iyo sidii wax looga qaban lahaa abaaraha ka jira koonfurta dalka. .

“Malaayiin dad ah oo ku nool waqooyiga Itoobiya ayaa ku nool nolol adag iyadoo dhibaatooyinka bini’aadantinimo ay sii kordhayaan oo sii ballaaranayaan,” Griffiths ayaa ku yiri hadal uu soo saaray.

Griffiths ayaa sheegay in $25m ee lacagta caddaanka ah ay ka timid Sanduuqa Dhexe ee Gurmadka Degdega ah ee Qaramada Midoobay, halka $15m kale laga soo saarayo Sanduuqa Bani’ aadanimada Itoobiya.

Lacagtan ayaa lagu taageeri doonaa hay’adaha gargaarka si ay badbaado iyo gargaar naf-badbaadin ah ugj fidiyaan dadka ay saameeyeen colaadaha ee Tigray, Amxaarada iyo Canfarta ayaa lagu yiri bayaanka.

Amarka bixinta lacagaha ayaa timid iyadoo ay sii kordhayaan dadaallada caalamiga ah ee lagu joojinayo colaadda sii xumaaneysa. Axadii, madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Abiy kula kulmay Itoobiya iyadoo ergayga Midowga Afrika (AU) Olusegun Obasanjo uu sheegay inuu rajaynayo in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafka balse wuxuu ka digay in wadahadalladan oo kale lagu gaari karin xabbad joojin degdeg ah.

War qoraal ah oo uu soo saaray, Obasanjo waxa uu ku sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo in la sugi karo go’aamadii la isku raacsanaa ee ku aaddan xal nabadeed oo colaadda.

Hadaladiisa ayaa ku soo beegmaya kahor booqasho uu ku tagayo sadex wadan oo Afrikaan ah Xoghayaha Arimaha Dibada ee Maraykanka Antony Blinken, kaas oo taageeray dadaalka Obasanjo ee dhexdhexaadinta, wuxuuna ku hanjabay inuu cunaqabatayn ku soo rogi doono xukuumadda Abiy iyo kooxda TPLF haddii aysan hore u socon wadahadalada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More