Qaramada Midoobay oo shaacisay tirada dadka ku barakacay dagaalka Laascaanood
Feb. 17 (Jowhar.com-) Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isku Xirka Arrimaha Bani’aadannimada (OCHA), ayaa ka hadlay dagaalada ka socda magaalada Laascaanood iyadoo shaacisay in dad ku dhow labo boqol oo kun oo qof ay ka barakaceen magaalada.
Warbixin ay soo saartay hay’adan ayaa ku sheegtay tirada dadka ku dhintey dagaalka Laascaanood ay gaarayaan illaa 57 qof halka dadka ku dhaawacmayna ay kor u dhaaftay afar boqol oo ruux.
Hay’adda QM ee qaxootiga UNCHR ayaa sheegtay in dad gaaraya 90.000 oo ruux oo ka barakacay dagaalka Laascaanood ay gudaha u galeen dalka Itoobiya.
Afhayeen u hadashay UNCHR Olga Sarrado Mur oo shir jaraa’id ku qabatay Geneva ayaa sheegtay in ugu yaraan kun qof ay ka gudbaan xadka Soomaaliya iyo Itoobiya iyagoo gudaha u gala wadanka Itoobiya.
Wararka ugu dambeeya ee dagaalka Laascaanood ayaa sheegaya in maanta madaafiic ay ku soo dhaceen gudaha magaalada ayna madaafiicdaas ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac.