Qarax dhimasho sababay oo ka dhacay caasimadda Pakistan ee Islamabad

0
17

Nov 11(Jowhar)-Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen qarax xooggan oo ka dhacay bannaanka dhismaha maxkamad ku taalla magaalada Islamabad, sida ay xaqiijiyeen booliska Pakistan.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in qaraxu uu dhacay xilli dad badan ay isugu yimaadeen xarunta garsoorka, balse ilaa hadda lama oga sababta dhabta ah ee qaraxa ama cidda ka dambeysa.

Ciidamada ammaanka ayaa xiray goobta, waxaana socota baaritaan ballaaran oo lagu ogaanayo cidda falkan ka dambeysa.

Saraakiisha caafimaadka ayaa xaqiijiyay in dadka dhaawacmay la geeyay isbitaallada magaalada, qaarkoodna ay xaaladoodu tahay mid halis ah.

Ilaa iyo hadda ma jiro urur sheegtay mas’uuliyadda weerarka.