Qarax goor dhow ka dhacay magaalada Kismaayo

Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in qarax lala eegtay gaari ay saarnaayeen ciyaartoy uu goor dhow ka dhacay bartamaha magaalada.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu haleelay gaari bas ah oo ay saarnaayeen ciyaartoy ku sii jeeday garoonka kubbada cagta Waamo oo maanta xariga laga jarayay.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay qasaare balse illaa iyo hadda aan si sax ah loo ogeyn heer uu gaarsiisan yahay qasaaraha ka dhashay qaraxa.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Jubbaland iyadoo qaraxana uu ku soo beegmay xilli ammaanka magaalada Kismaayo aad loo adkeeyay kadib markii shalay uu ka bilowday doorashada Aqalka Sare.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More