Qarax guri lagu diyaarinayay oo ka dhacay degmada Dharkiinleey iyo khasaare ka dhashay.

July 27 (Jowhar.com)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xooggan oo barqanimadii maanta ka dhacay qeybo kamid ah degmada Dharkiinleey ee gobolka Banaadir.

Qaraxa waxa uu ka dhacay xaafadda Cali Goleey dhanka xigta Dharkinleey, waxaana la soo sheegayaa inuu ka dhex dhacay guri, wararka waxey tilmaamayaan in qaraxa gurigaasi lagu dhex diyaarinayay.

Saraakiil ka tirsan booliska qeybta galbeed ayaa sheegay in gaari Premier ah oo qaraxa lagu diyaariyay uu qarxay, waxaana ku dhaawacmay haweeney xaamilo eheyd iyo gabar yar oo ay heysatay oo xiligaasi ku sugnaa guriga, iyadoo dhismaha dhamaantiis uu burbur lixaad leh gaaray.

” Dadkii qaraxa diyaqriyay ma gaariga ayey ku dhex jireen, guriga miyey ka maqnaayeen, baaris ayaan arrintaasi ku wadnaa, waxaan isbitaal geynay labada qof ee dhaawaca ah, gurigiina waxaa la wareegay laamaha amaanka, baarista kadiv ayaan warbixin dhiibi doonnaa” ayuu yiri sarkaal ka tirsan booliska qeybta galbeed oo tagay halka qaraxa uu ka dhacay.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More