Qarax Ismiidaamin ah ka dhacay magaalada Muqdisho

Qarax xoog leh oo ka dhashay qof isku soo xirey waxyaalaha qarxa ayaa goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho iyadoo aan la ogeyn ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay qaraxa.

Qofka is qarxiyay ayaa la sheegay in isku qarxiyay goob ganacsi oo ay ku sugnaayeen ciidamo iyo dad rayid ah. Isgoyska Juba ayaa ka mid ah goobaha laga ilaaliyo xarunta nabadsugida qaranka.

Horaantii bishii aynu ka soo gudubnay ayaa qarax sidan oo kale uu uga dhacay goob ganacsi oo ku taal isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho.

Kala soco faahfaahinta warka jowhar.com

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More