Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Buula-Burte

Sep 28 (Jowhar.com)-Wararka ka imanaya degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in gaari waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay duhurnimadii maanta bartamaha magaalada.

Ugu yaraan lix ruux ayaa ku geeriyootay toban kalana waa ay ku dhaawacmeen qaraxan ismiidaaminta ah oo ka dhacay suuqa magaalada Buuloburte gaar ahaan qeybta hilibka lagu iibiyo.

Inta badan dadka wax ku noqday qaraxan ayaa ahaa dad rayid ah waxaana uu gaarigu qarxay xilli ay ciidamada ammaanka ay rasaas ku ridayeen gaariga.

Sidoo kale qaraxan ayaa ka dhashay burbur xoog leh oo soo gaaray guryihii ku dhowaa goobta uu ku qarxay.

Sabtigii lasoo dhaafay ayay aheyd markii qarax Ismiidaamin ay ku dhinteen ku dhawaad 30 ruux, islamarkaana ay ku dhaawacmeen in ka badan 50 ruux uu ka dhacay gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More