Qarax Ismiidaamin ah oo lagu weeraray xero ay Boolis Milatari ku leeyihiin Ceelasha biyaha

Oct 21 (Jowhar.com)- Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax Ismiidaamin ahaa oo saaka lagu weeraray xero ay ciidanka boolis milatari ay ka geysteen deegaanka Ceelasha biyaha.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa lagu beegsaday saldhigga Ceelasha biyaha, si gaar ah qeybta ay ay ka dagan yihiin ciidanka NISA ee Duufaan iyo kuwa boolis milatari.

Saraakiil laamaha amaanka ah ayaa sheegay in gaariga qaraxa loo adeegsaday uu ahaa nooca aan xabada karin ee Bulet Proof, wuxuuna si toosa u galay gudaha xerada.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhimashada ay gaareyso ilaa 10 askari oo ay ku jiraan taliyayaal horin iyo kooxeed, iyadoo la baadi goobayo askar nolol iyo geeri lagu weysan yahay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More