Qarax Ismiidaamin ahaa oo ka dhacay magaalada Jowhar.

August 10 (Jowhar.com)-Waraka ka imanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in qarax Ismiidaamin ahaa uu goordhow ka dhacay magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka Hirshabelle.

Wararka ayaa sheegaya in qof watay jaakado ay ka buuxeen qaraxyo uu isku qarxiyay  mid kamid ah kontrolada xarunta madaxtooyada, waxaana jugta qaraxaasi laga maqlay xaafado badan oo kamid ah magaalada Jowhar.

Dad goobjayaal ah ayaa sheegay inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhashay qaraxan, iyadoo aan la ogeyn hadii uu jiro mas’uiliyiin wax ku noqotay weerarkan.

Magaalada Jowhar waxaa maalmihii la soo dhaafay joogto ka noqday qaraxyo u badan Ismiidaaminta, iyadoo aaney muuqan qorshe cad oo maamulka Hirshabelle uga dagsan arrimahan.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More