Qarax iyo dilal ka dhacay magaalada Muqdisho.

Mar 26 (Jowhar.com) – Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xooggan iyo toogashooyin gelinkii danbe ee maanta ka dhacay qeybo kamid ah degmooyinka magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Koox bistoolado ku hubeysan ayaa wiil dhalinyaro ahaa ku dishay gudaha suuqa bakaaraha gaar ahaan qeyb cabdalla shideeyo oo uu ka shaqeynayay, marxuumka ayaa la sheegay inuu hore uga tirsanaa askarta ay tababareen Imaaraatka carabta, walow sanadihii danbe uu howlahaasi isaga baxay oo uu shacab iska ganacsado ahaa.

 

Toogashadaas kadib, qarax xooggan ayaa ka dhacay qeybo kamid ah degmada Warta-Nabada ee gobolka Banaadir, waxaa la sheegay inuu qarxay gaari meel ay fariistaan askar NISA ah yaalay, iyadoo ay ku dhaawacmeen laba kamid ah ciidamada dharcadka ee NISA katisan.

 

Rasaas ay fureen askarta waday dhaawaca labadaasi askari ayaa sababtay geerida Haweeney iska ganacsaneysay, iyadoo meydkeeda la geeyay xarunta baarista danbiyada ee C.I.D, halkaasoo sawirran looga qaaday si baaris dheeri ah loogu sameeyo.

 

Xaaladda amni ee Muqdisho ayaa faraha ka sii baxeysa, xili dalka uu ku jiro kala guur, iyadoo saraakiishii loo xil saaray amaanka ay noqdeen kuwo ku biira hay’ada sharci dejinta iyo kuwo ku jira u ololeynta madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday Farmaajo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More