Qarax ka dhacay garoonka diyaaradaha Kabul oo askar Maraykan ah ku dhinteen (Sawiro)

Tirada ciidamada Maraykanka ee ku dhintey labo qarax oo ka dhacday maanta garoonka diyaaradaha magaalada Kabul ayaa gaartay 12 halka dadka u dhashay dalka Afghanistn ay gaarayaan 60 ruux.
Sidoo kale qaraxan oo ka dhacay bannaanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Kabul ee dalka Afghanistan ayaa waxaa ku dhaawacmay dad ku dhow labo boqol oo ruux.

Kooxda Jihaad-doonka ah ee ISIS-K ayaa la rumeysan yahay inay ka dambeeyeen labada qarax ee ka dhacay afaafka hore ee garoonka diyaaradaha Kabul, halkaas oo kumanaan reer Afgaanistaan ​​ah ay sugayeen daad-gurayn.

Musiibada oo timid ka dib digniino ay bixiyeen mas’uuliyiinta Mareykanka iyo UK oo ku saabsan ‘weerar argaggixiso’ ah – ayaa hadda laga yaabaa inay si dhakhso leh u kiciso dadaallada daad -guraynta ah ee reer Galbeedka ee Afgaanistaan.

Qarax ismiidaamin ah ayaa ka dhacay banaanka hoteelka Baron oo u dhow garoonka diyaaradaha Kabul. Hoteelka ayaa hoy u ahaa suxufiyiin reer galbeed ah. Waxaa sidoo kale loo adeegsaday boosteejo dadka reer galbeedka si loo daadgureeyo.

Kadib qaraxa ayaa waxaa halkaas ka dhacay rasaas laga ridey qoryaha fudud.
Pentagon -ka ayaa xaqiijinaya in bam labaad la qarxiyay markan meel ka baxsan albaabka Abbey – oo ah goob laga maamulo Ingiriiska oo gasha garoonka diyaaradaha Kabul.

Taliban waxay cambaareysay weerarada argagixiso ee ka dhacay garoonka diyaaradaha Hamid Karzai.

Afhayeenka Daalibaan Zabihullah Mujahid ayaa sheegay in kooxdiisu ay aad u cambaareyneyso qaraxyada ayna aad uga fiirsanayaan amniga.

Dalalka NATO, oo ay ku jirto Denmark, ayaa durbadiiba joojiyay dadaalladoodii daadguraynta fiidnimadii, halka irdaha gegida dayuuradaha ay hadda xidheen ciidammada Mareykanka wixii ka dambeeyay qaraxyada.

Si kastaba ha ahaatee Boris Johnson, oo caawa shir guddoomiyay kulan degdeg ah oo COBRA oo ka dhacay Downing Street, ayaa ku adkaystay in UK ay sii wadi doonto duulimaadyadeeda daadgureynta.

Saraakiisha UK ayaa maanta sheegay inay jireen dhowr iyo toban duulimaad oo daad-gureyn ah oo weli loo qorsheeyay inay ka baxaan Kabul.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More