Qarax khasaare sababay oo ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaro

Dec 03 (Jowhar.com)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax xooggan oo saaka ka dhacay gudaha suuqa ugu weyn dalka ee Bakaaro.

Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa Miino lagu xiray goob ganacsi oo ku taala qeybta Cirtoogte ee Suuqa Bakaaraha, iyadoo jugta qaraxaasi laga maqlay qeybo badan oo kamida magaalada Muqdisho.

Dad goob joogayaal ah ayaa kusoo waramaya in qaraxa ay ku dhaawacmeen laba haween ah oo ka agdhawaa halka qaraxa uu ka dhacay, waxaana loola cararay xarumaha caafimaadka.

Magaalada Muqdusho waxaa kusoo batay qaraxyada Miinada ee Shabaab la beegsanayaan goobaha ganacsi ee xirtay CCTV ay ku amartay laamaha amaanka ee dowladda Soomaaliya, iyadoo todobaad kaliya ilaa 10 xarun ganacsi la beegsaday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More