Qarax lagu weeraray mas’uul ka tirsan Jubaland iyo khasaaraha ka dhashay

April 13 (Jowhar.com)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xooggan oo ka dhacay xaafadda Farjano, gaar ahaan laanta Siinaay ee magaalada Kismaayo, weerarkan waxa uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Sida wararku sheegayaan qaraxa oo lagu weeraray hoyga uu dagan yahay madaxa howlaha Dekedda Kismaayo ayaa waxaa ku geeriyooday laba qof oo midi Haweeney Xaamilo ah tahay iyo wiil ay dhashay, iyadoo uu ku dhaawacnay wiil kale oo 14 sano jir ahaa.

Afhayeenka wasaaradda amniga Jubbaland Jaamac Axmed Cali (Joofane) ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in weerarka uu ka badbaaday shaqsiga bartilmaameedka ahaa balse waxyeelo culus ay ka soo gaartay qoyskiisa.

“Qaraxa waxa uu ka dhacay Guriga Madaxa howlaha Dekedda Kismaayo, waxaa ku dhintay Haweeney Xaamilo ah iyo wiil ay dhashay waxaana ku dhaawacmay wiil 14 jir ah oo isla qoyska ah, Ciidamadu qaraxa kaddib waxa ay sameeyeen howlgallo” ayuu yiri Jaamac.

Howlgal ay laamaha amaanka sameeyeen weerarka kadib ayuu tilmaamay iney ku soo qabteen 20 ruux oo looga shakisan yahay falkan, sidoo kale laamaha amaanka waxey soo qabteen qaraxyo kale oo dadka magaalada lala damacsanaa in lagu waxyeeleeyo.

“Howlgallo ka dhacay Kismaayo waxaa lagu xiray Dad badan, ku dhawaad 20 ruux oo kamid ah Dadkaas oo la tuhmayo ayay baaris ku wadaan Hay’adaha ammaanka, qaraxyo ayaa gacanta lagu dhigay oo laga hortagay” ayuu sii raaciyey Afhayeenka Wasaaradda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More