Qarax ismiidaamin ah oo lala beegsaday afhayeenka dowlada Soomaaliya

Qarax ismiidaamin ah ayaa ka dhacay agagaarka isgoyska dabka ee Muqdisho, qaraxa ayaa lala beegsaday gaari uu watay afhayeenka xukuumada Ibraahim Macalimuu.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qof isku soo xirey waxyaalaha qarxa uu ku dhegay baabuur uu watay afhayeenk.

Waxaa soo gaaray afhayeenka dowlada Maxamed Ibraahin Nuur Macalimuu dhaawac fudud isagoo lagu daweynayo mid kamid ah isbitaalada magaalada Muqdisho.

Afhayeenka xukuumada Ibraahim Macalimuu waa wanaagsan yahay wuuna miyir qabaa waxii warar ah oo dheere ah ee ka soo baxa  kala soco Jowhar.com.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More