Qarax miino oo ka dhacay duleedka magaalada Jowhar

April 17 (Jowhar.com) – Ugu yaraan labo  askari ayaa ku dhimatey qaar kalana waa ay ku dhaawameen kadib markii ay gaari ay saarnaayeen ay miino kula qaraxday meel u dhexeysa magaalada Jowhar iyo garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu qabsaday gaari ay saarnaayeen ciidamo ilaalo ahaa kuwaasoo galbinayay kolonyo gaadiid ah oo ka baxday magaalada Jowhar kuna sii jeeday garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar.

Gaariga qaraxa uu haleelay oo ahaa nooca aan rasaastu karin ayaa waxaa dadkii saarnaa ka mid ahaa Mahad Cumar Cabdi oo katirsan Guddiga doorashooyinka iyo mas’uuliyiin kale.

Hase yeeshee ma jiro wax waxyeelo ah oo soo gaaray mas’uuliyiintan balse waxaa waxyeeladu soo gaartay ilaaladii la socotay gaariga oo saarnaa dusha sare ee baabuurka.

Kolonyada gaadiidka ayaa waxaa saarnaa siyaasiyiin iyo qaar kamid ah dadkii goobjoog ka ahaa doorashadii shalay ka dhacday magaalada Jowhar taasoo uu ku soo baxay Cismaan Xaadoole.

Waa qaraxii saddexaad oo miino ah oo ka dhaca sanadkan meel u dhexeysa magaalada Jowhar iyo garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere iyadoo hore labadii qarax ay ku dhinteen 6 ruux oo rayid ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More