Qarax xoogan iyo rasaas isla socda oo laga maqlayo aagga xeebta Liido

April 22 (Jowhar.com) -Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xooggan goordhow laga maqlay aagga xeebti Liido ee degmada C/casiis.

Faah faahin badan lagama hayo nooca qaraxa iyo halka rasmi ahaan loola eegto, sababo ku aadan xiligan oo habeen ah iyo rasaasta la maqlayo oo aad u daran.

Warar la helayo waxa ay sheegayaan inuu jiro khasaate xooggan oo ka dhashay qaraxa oo ahaa mid aad u xoogga , kaasoo lagu qiyaasayo inta u dhaxaysa Hotelada Beach View iyo Oceian View.

Warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in maqaayada la weeraray uu ku jiray taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Xijaar oo sidoo kale ah gudoomiyana amniga ee doorashada.

Faah faahinta goordhow la soco

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More