Qarax xooggan oo ka dhacay magaalada Muqdisho
Feb. 23 (Jowhar.com-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax xooggan oo xalay ka dhacay qeybo kamid ah degmada Dharkiinleey ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo ahaa amiino ayaa la dhigay maqaaxi ku taalla xaafadda Kaawa Godey, halkaasoo la tilmaamay iney fadhiyaan askar ka tirsan ciidanka dowladda oo xiligaasi goobta ku qayilayay.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxan oo jugtiisa laga maqlay xaafadaha Dharkiinleey uu dhaliyay dhimashada hal akari iyo dhaawaca saddex kale oo xaaladooda laga deyrinayo.
Ciidamo boolis ah ayaa weerarkan kadib tagay goobta, halkaasoo ay ka sameeyeen howlgallo aan wax natiija ah ka dhalan.
Kooxda Shabaab ayaa durba sheegatay mas’uuliyada qaraxa, iyagoo war ay ku baahiyeen barahooda Internetka ku sheegtay in dhimasho iyo dhaawac ay u geysteen ciidankii goobta fadhiyay.
Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada Dharkenley oo ku aadan qaraxaas iyo howlgalka xigay