Qaraxyo culus oo ka dhacay magaalada Muqdisho iyo kahsaare ka dhashay

Oct 28 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxyo culus oo xalay gilgilay degmooyinka Deyniile iyo Xamar Jajab, iyagoo dhaliyay khasaare kala duwan.

Qaraxa Koowaad waxa uu haaa Bam gacmeed lagu tuuray gaari ciidan oo marayay isgoyska Ceel-gaabta, iyadoo laba ruux oo gaarigaasi saarnaa ay ku dhaawacmeen, waxaana goobta isaga baxsatay danbiilayaashii weerarkaasi geystay.

Qaraxa labaad waxa uu ahaa Miino waxaana lagu xiray guri uu dagan yahay guddoomiye waaxeed ka tirsan maamulka degmada Dayniile ee gobolka Bamaadir.

Saraakiil cidan oo weerarkaasi kadib goobta tagtay ayaa inoo sheegtay ineysan jirin khasaare nafeed oo ka dhashay weerarka, wallow uu burbur xooggan soo gaaray guriga.

Si kastaba, amniga magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkan faraha kasii baxaya, iyadoo laamaha amaanka ay ku guul dareysteen iney wax ka qabtaan dilalka qorsheysan iyo qaraxyada ay caasimada ka fulinayaan Al-Shabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More