Qaraxyo is xig-xigay oo ka dhacay Muqdisho iyo rasaas la maqlayo.

August 19 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdusho ayaa sheegaya in qaraxyo xooggan oo is xigay laga maqlay nawaaxiga isgoyska KM4, iyadoo ay xigeen rasaas aan kala joogsi leheyn.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in ilaa 4 qarax la maqlay, kuwaasoo dawiiqado yar ay u dhexeysay, waxaana soo baxaua warar sheegaya in lagi weeratay mid kamida hoteelada agdhaw aagga KM4, walow aan si rasmi ah arrintaasi loo xaqiinin karin.

Gawaarida gurmadja deg dega ah ayaa la maqlayaa dhawaqooda, iyadoo ciidamadda amaanka ay xireen dhamaan wadooyinka gala dhinaca garoonka diyaaradaha Adan Caddde ee magaalasa Muqdisho.

Faah faahinta la soco goordhow.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More