Qaraxyo Xooggan oo lagu weeraray xerada ciidamada Itoobiya ee Doolow Gedo

Jun. 07 (Jowhar.com)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxyo xooggan oo ka dhacay magaalada Doolow ee gobolka gedo, iyadoo jugta qaraxyadaasi laga maqlay deegaano badan oo gobolkaasi ka tirsan.

 

Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya in qaraxyadan oo ilaa labo gaarayay lagu weeraray xero ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin magaalada, ciidankan oo ka tirsan ATMIS ayaan la ogeyn khasaaraha ku gaaray weerarkan.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in qaraxyadan uu midka hore ahaa gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo lagu weeraray xerada, halka qaraxa kalena lagu sheegay inuu ahaa qof watay jaakado ay ka buuxeen qaraxyo, Ciidmaada Itoobiya ayaa xirtay xerada, si aan loo ogaan khasaaraha gaaray.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in qaraxa kadib la maqlay rasaas xooggan, lama oga in qaraxyadan kadib ay rag hubeysan galeen xerada ama rasaasta la maqlay ay tahay mid ay ridayeen ciidamada Itoobiya ee halkaasi ku sugnaa.

Weerarkan ayaa kusoo beegmay saacado kadib markii madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe uu maamul cusub u magacaabay gobolkaasi Gedo, isagoo xilalkii ka qaaday maamulkii hore oo taabacsanaa madaxweynihii hore Farmaajo.

Amniga Doolow ayaa ahaa mid wanaagsan, qaraxan waxa uu noqonayaa kii u horeeyay ee noociisa ah ee ka dhaca magaalada 15-kii sano ee la soo dhaafay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More