Qatar oo cambaareysay weerarkii ismiidaaminta ee ka dhacay Muqdisho

Dowladda Qatar ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii Ismiidaaminta ee ka dhacay Isgoyska Ceel-Gaabta oo ku dhow Koontaroolka laga ilaaliyo Madaxtooyada Villa Somalia.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Qatar ayaa lagu sheegay in si adag ay u cambaareyneyso weerarkaas, iyadoo ku celisay in Qatar ay ka soo horjeedo falalka rabshadaha iyo argagixisada.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Qatar ayaa uga tacsiyadeysay dadkii ku dhintay qaraxaas, waxaana ay caafimaad u rajeysay dadkii ku dhaawacmay.

Illaa 10 ruux ayaa ku dhintay qaraxaas oo ay ku jirto gabar lagu magacaabo Hibaaq Abuukar oo ka tirsaneyd Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas, ayna ku bartilmaameedsaday gawaari ay saarnaayeen Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More