Qoor qoor iyo Swan oo ka wada hadlay dagaal beeleedyada ka socda Galmudug

Jun 29 (Jowhar.com)-Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa qasriga madaxtootayada ku qaabilay siihayaha madaxa xafiiska Qarammada Midoobay ee Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo howlo shaqo u tagay Galmudug.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, amniga iyo la dagaalanka Khawqarijta, Dastuurka iyo doorashooyinka dalka iyo howlaha ay hay’adaha qarramada Midoobay ka wadaan deegaannada Galmudug.

Labada Mas’uul ayaa sidoo kale isla soo qaaday dagaal beeleedyada ka socdo deegaanada maamulka Galmudug, iyadoo madaxweynaha uu ka warbixiyay halka ay mareyso xalinta colaadan oo dad badan galaafatay.

Mr. Swan ayaa balanqaaday iney kaalin muuqata ka ciyaari doonaan xal u helida colaadan oo soo noqnoqotay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More