Qoor qoor iyo wasiir Jaamac oo kormeeray rugaha Ciidanka ee koonfurta Mudug

Oct 11 (Jowhar.com)- Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wasiirka gaashaandhigga dalka Cabduqaadir Maxamed Nuur oo ay wehliyaan wasiir kuxigeenka Warfaafinta Al cadaala iyo masuuliyiin kale ayaa kormeeray rugaha Ciidanka ee koonfurta gobolka Mudug.

Wasiirka gaashaandhigga dalka Cabduqaadir Maxamed Nuur oo la hadlay cutub ka tirsan Guutada 27aad ee Abuu dujaana ee qeybta ka ahaa xoreynta Magaalooyinka muhiimka ah ee Koofurta Mudug ayaa ku amaaney in ay furimaha kusii nagaadeen xili fasax gaaban la siiyey ururadii kale ee guutada.

Madaxwaynaha Galmudug ahmed Cabdi kaariye QoorQoor ayaa sidoo kale ciidankan ku amaaney go’aanka ay ku difaacayaan dadkooda, dalkooda, iyo diintooda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More