Qoor qoor, Mahad Salaad iyo wasiir Jaamac oo gaaray Ceel-garas

Sep 11 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa gaaray Aagga deegaanka Ceel-garas ee gobolka Galgaduud.

Deegaanka waxaa maanta laga xoreeyey Kooxda Al-Shabaab oo muddo badan bulshada ku dhibaateyneysay.

Masuuliyiinta ayaa Bogaadiyay Ciidamada Qaranka iyo xooggaga difaaca Shacabka ee Cadowga ka xoreeyey deegaano Badan oo dhaca Bariga Galgaduud.

Waxa ay si rasmi ah ugu dhawaaqeen in Shacabka Ceel-garas laga dulqaaday Cadowgii muddo dhibaateynayay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More