Qoor qoor oo Jabuuti kula kulmay madaxweyne Geelle

0
63

Sep 03(Jowhar)-Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo Casuumaad rasmi ah ku jooga dalka aynu walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa kulan miro dhal ah oo ka dhacay Qasriga Madaxtooyada dalkaasi la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane  Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha Axmed Cabdi Kaariye ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, dadaalka uu ku bixinayo dhismaha dowladdnimada Soomaaliya iyo garab istaaga Shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Xildhibaano ka tirsan BFS iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Galmudug.