Friday, January 30, 2026
Home NEWS Qoor qoor oo ka dagay Jabuuti kadib casuumaad uu ka helay madaxweyne...

Qoor qoor oo ka dagay Jabuuti kadib casuumaad uu ka helay madaxweyne Geelle

2006

Sep 02(Jowhar)-Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray caasimadda Jabuuti ee dalka Jabbuuti, kaddib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Waxaa garoonka diyaaradaha ee caasimadda Jabbuuti kusoo dhaweeyay Wasiirrrada Arrimaha Dibedda iyo Gudaha dalka Jabuuti iyo xildhibaanno ka tirsan Golaha Baarlamaanka Jabuuti.

Safarka madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye waxaa ku wehliya xildhibaanno ka tirsan BFS iyo wasiirro ka tirsan Galmudug.