Qoor Qoor oo soo saaray liiska musharaxiinta Aqalka Sare

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa soo saaray liiska musharaxiinta labada kursi ee Aqalka Sare ee ka dhineyd maamulkiisa.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Qoorqoor ayaa lagu sheegay in labadan kursi ay ku tartami doonaan musharaxiinta kala ah

1- Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Cawil Nuur Cali iyo
2- Cabdi Cismaan Xareed iyo Mahad Aadan Guuleed.

Liiskan musharaxiinta ayaa waxaa laga reebay Senator Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex oo hore mid ka mid ah labada kursi ugu fadhiyay iyo sidoo kale madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo hore u sheegay inuu musharax u yahay kursiga uu ku fadhiyo Qeybdiid.

Madaxweynihii hore ee Galmudug Xaaf ayaa hore uga digey in laga reebo liiska musharaxiinta kursiga hase yeeshee illaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda Galmudug.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More